Midowga Yurub oo maanta hanti qalab ah ku wareejiyay Booliska Dowlada Federalka.

Warsaxaafadeed kazoo baxay xafiiska Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in maanta ay ku wareejiyeen Booliska Dowlada Federalka Gawaari,Qalabka meeleeyaha caalamiga ah (GPS), nidaamka raadiyaasha, qeybiyasha internet.ka (routers) iyo hanti kale,oo ay ku jiraan qalab xafiiseedyo.

Wareejinta qalabkan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay heshiis u dhaxeeya Howlgalka EUCAP Somalia (oo horay loogu yaqiin EUCAP Nestor,Saldhiggeeduna ahaa Jabuuti) iyo Wasaraada Amniga Gudaha (MoIS) ka dib markii loo bedelay Xafiiska EUCAP ee Jabuuti qorshe ku qotoma mid goboleed loona badalay hal wadan (Soomaaliya).

Waxayna ku sheegeen Midowga Yurub kaalmadooda mid qeyb ka noqonaysa nidaamka EU ee isku dhafka ah si loo ziyaadiyo awoodda ku aadan dadaalada nidaamka sharciyadeed ee Soomaaliya. Si lamid ah waxay tani muujineysaa nidaamka is raacsan ee beesha Caalamka, ayadoo barnaamijka Nidaamka Sharciga ee wadajirka (oo ay EU.da lacagtiisa bixiso) ay fududeeyeen bakhaarada Howlgalka EUCAP uu ku lahaa Jabuuti loona wareejiyey meela kala duwan oo ku yaala Soomaaliya. Daabulidda Badda waxa gacan ka gaystay maraakiibta UNDP.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST