Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo qabatay shir ku saabsan Qorshaynta Qoyska

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta magaalada Garowe ku qabatay shir looga hadlayay Qorshaynta Qoyska {Family Planing}, kaasoo diiradda lagu saaray kala korinta Ilmaha.

Shirkan waxaa si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo hay’adda UNFPA.

Munaasabadda Barnaamijkaas looga hadlayay oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda waxaa kasoo qayb galay, Wasiirrada Caafimaadka, Cadaaladda, Marwada Madaxweynaha, Xubno kasocday hay’adaha wada-shaqaybta la leh Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Xirfadlayaal Caafimaad iyo Hooyooyin.

Marwada Madaxweynaha Puntland, Hodon Siciid Ciise, oo ka hadlaysay qorsha ku aadan kala dheeraynta Ilmaha, ayaa sheegtay inay faa’iido ugu jirto Qoyska gaar ahaan, Ilmaha iyo Hooyada, waxayna waalidiinta ku boorisay inay u istaagaan sidii qorshahaas loo taageeri lahaa.

Hodon ayaa xustay in Qoysaska Somaliyeed ay aad u hoosayso qorshaha kala korinta Carruurta, taasoo ay sabab uga dhigtay dagaalladii waddanka soo maray, waxayna tilmaamtay in arrintan ka dhalan karto waxyaabaha keena Caafimaad darrada.

Waxay intaas ku dartay in tirada dhimashada hooyada umusha ah iyo sidoo kale cel-celiska dhalmada uu aad ugu sareeyo Waddanka Somalia, iyadoo u sabab uga dhigtay inaysan qoysas badan lahayn Qorshe Qoys.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac, ayaa isna sheegay in Diinta Islaamka aysan mamnuucin kala korinta Carruurta iyo waxyaabaha maslaxadda u keeni kara Qoysaska, isagoo sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay badinta taranka iyadoo loo marayo qaabka wanaagsan.

Xabiib ayaa waalidiinta ka codsaday in dhalmada kaliya iyo korinta aysan isku koobin ee ay u istaagan sidii loo tar-biyayn lahaa Ubadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr Cabdinaasir Cimaan Cuuke, oo soo xiray kulankaas ayaa u mahadceliyay hay’adda UNFPA oo Barnaamijkan la wada, isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka caafimaad ahaan ugu jirta in Ilmaha la nuujiyo 2 sano.

“Kala fogaynta Ilmaha ama waxa loo yaqaano Family Planing, waxa weeye Ilmo si fiican u dhashay oo miisaankii laga rabay leh, Ilmo hela korniimo fiican, Hooyo Fir-fircoon oo wal-walku ku yar-yahaya, Caafimaadka Ilmaha, Ilmaha oo si fiican wax u barta oo dhan walba ka dhammaystiran, Hooyada oo waqti ku filan u hesha Ilmaha islamarkaana dhex maro muxubo dheeraad ah, Waalidka oo Waqti isu hela ay nolosha ku wadaagaan, ” Ayuu yiri Cuuke.

Qabashada shirkan ayaa kusoo beegmay xilli Waalidiinta Somaliyeed aysan aad u fahamsanayn faa’iidada ku jirta kala korinta Carruurta, waxaana Wasaaraddu muddoo waday wacyigalin ku aadan Nuujinta Ilmaha ee naaska hooyada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST