Somaliland oo Xabsiga dhigtay Wariye Cumar Seerbiya

Hargeysa- [Puntland Post] Wariye Cumar Seerbiya oo ka tirsan Wariyaasha Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa sida Puntland Post uu u Xaqiijiyey Wariye ka hawlgala Hargeysa.

Cumar ayaa dib uga soo noqday magaalada Muqdisho oo uu dhowaan Aroos ku galay, waxaana xilliga la xirayay la socotay Xaaskiisa oo kala timi Muqdisho.

Puntland Post  ayaa ogaaday in Xaaskiisu ay Hargeysa ugu soo raacday qaraabo salaan iyo inay qoyska ninkeeda soo barato, balse waxa laga qaaday iyada Telefoonka, waxaana Xabsiga loo dhaadhiciyay Cumar Seerbiya.

Lama Oga sababta ka danbaysa in la xiro Wariye Cumar Seerbiya cid ka hadashay oo ka tirasan Maamulka Soomalland ilaa hada ma jirto.

Cabdiqani Boos

Puntland Post