Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland oo ka tacsiyeeyay dilka Ganacsade Jaxeer

Marxuum Cabdirissaq Muuse (Jaxeer)

Ganacsade Cabdirissaq Muuse Nuur (Jaxeer) oo kamid ahaa waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa galinkii dambe ee maanta u geeriyooday Qarax loogu xirey gaarigiisa gudaha magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaamac Takar oo xiriir lasoo sameeyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa uga tacsiyeeyay geerida Ganacsade Jaxeer ehelada, Qoyska iyo Dhamaan shacabka Puntland,Wuxuuna sheegay inay u aargudi doonaan.

Jimcaale ayaa sheegay in Marxuum Jaxeer uu ahaa muwaadin kaalin mug weyn ku lahaa taakuleynta ciidamada xilliyadda dagaalka, Islamarkaana si weyn ay uga xun yihiin ciidamada qalabka sida ee Kumaandoosta Puntland falka lagu khaarajiyay galabta.

Marxuum Cabdirissaq Muuse Nuur ayaa ka mid ahaa guddigii abaaraha iyo guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo, wuxuuna Marxuumku walaal la ahaa  Xildhibaan Sanyare oo horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST