Puntland oo xukuno ku riday 11 qof oo lagu eedeynayo Al-shabab iyo Daacish

Maxkamadda ciidamadda Qalabka sida ee 5ta gobol Puntland oo maanta la horkeenay 11 eedaysane oo 8 ka mid ah lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Al-shabaab iyo saddex qof  oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish ayaa xukuno kala duwan ku riday.

Maxkamadu waxay dil ku xukuntay Labo eedaysane oo mid ka mid uu ahaa ganacsade, ciidamadda Puntland ay ka qabteen gudaha magaaladda Bosaaso 30kii bishii May , kaasi oo lagu eedeeyay inuu u socday baabuur lagu qabtay kontoroolka Bosaso oo siday Waxyaabaha qarxa iyo agab kale oo lagu soo dhexqariyay khudaar, sidoo kale Maxkamadu waxay xukuntay Nin kale oo ciidamadu ay ku qabteen Magaaladda Galkacayo, kaasi waday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Cawil Axmed Faarax oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda wuxuu sheegay in lagu xukumay saddex Nin Xabsi daa’im kuwaas oo ahaa saddex qof oo watey Gaari nooca Somalidu u taqaano Candho meyle oo 30kii May 2017 Qaraxyo waaweyn oo uu sidey lagu qabtey Kantaroolka Bosaso, halka saddex kalena ay maxkamadu sii daysay ka dib markii ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah, Sidoo kale Maxkamadu waxay dib u celisay dacwadda saddex nin oo kale oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen ururka Daacish..

30kii Bishii June, dowladda Puntland waxay xukun dil ah ku fuliyey 7 qof oo ku eedeysanaa inay ka tirsanaayeen ururka al-Shabaab kuwaas oo dilal ka geystey gudaha Puntland sidoo kale lagu soo qabtey iyaga oo magaalada Bosaso gelinaaya jawaano ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Bosaso

PUNTLAND POST