Wasiirka Waxbarashada DF Somalia oo tagey maanta magaalada Garowe

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo  Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee  Somalia C/raxmaan Daahir Cismaan iyo Agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Maxamed C/qaadir Nuur ayaa booqasho rasmi ah maanta ku yimid caasimada Dawlada Puntland, kadib marti qaad ay ka heleen Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Waftiga ayaa kala kulmay Garowe soo dhowayn balaaran oo ay u sameeyeen Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise,Wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Dr, Maxamed Cali Faarax,Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada  Maxamed C/qaadir Cusmaan iyo shaqaalaha kala duwan ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Waftiga ayaa booqday dhamaan xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland kadibna waxay booqasho iyo salaam ugu tageen Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camay.

Ujeedada waftigaan ayaa ah ka qeybgalka Shirweyne looga hadlayo Arrimaha waxbarashada labada wasaaradood tan Federaalka iyo tan Puntland.

Qodobada shirka looga hadlayo ayaa ah.

  1. Sharciga iyo siyaasada waxbarashada.
  2. Xoojinta xiriirka iyo nidaamka wada shaqaynta labada wasaaradood.
  3. Manaahijta iyo imtixaamaadka: labada wasaaradood waxay si qoto dheer uga wada hadlayaan islana meeldhigayaan ahmiyada uu leeyahay manhaj iyo imtixaan mideysan oo dalku yeesho si loo xaqiijiyo helitaanka waxbarashado tayo leh oo ku taagan manhaj midaysan, qiimeyn midaysan iyo shahaado mideysan
  4. Deeqaha waxbarashada.
  5. Mashaariicda waxbarashada.
  6. In la mideeyo qaab dhismeedka xarumaha waxbarashada si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

Shirku wuxuu bilaabanayaa maalinka khamiista taariikhduna ku beegantahay 06/7/2017, wuxuuna qaadan karaa ku dhowaad mudo asbuuc ah.

Waa markii sadexaad oo wafti heerkaan ah yimaado Puntland tan iyo 2012 taasna waxay ku tusaysaa sida Puntland fure muhiim ah ugu tahay waxbarashada Somalia.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST