Baashe Cabdilaahi Maxamud Aw-cusmaan oo ka tacsiyeeyay geerida Fiqi Bashiir Cabdulle

Baashi Cabdilaahi Maxamuud Aw-Cusmaan oo kamid ah Isimada Puntland wuxuu halkaan kaga tacsiyeynayaa geeridii naxdiinta lahayd ee ku timid allaha Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo kamid ahaa Isimadda Puntland, kaasoo ku geeriyooday dalka Sweden

Baashi Cabdilaahi ayaa sheegay inuu aqoon dheer uleeyahay marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle islamarkaana uu ku yaqaanay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo qiimo weyn ku dhex lahaa bulshada reer Puntland ee dal iyo dibadba.

Wuxuu baashigu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan qoyska reer Cabdulle Cusmaan, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isagoo Eebbe uga baryay inuu janadii fardawso ka waraabiyo.

Aamin Aamin Aamin.