Gudoomiyaha Xumbeys oo soo dhaweeyay Go,aanka Xukuumada Puntland

Axmed Yuusuf Cismaan oo ah Gudoomiyaha Xumbeys oo xiriir lasoo sameeyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland, Madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar in degmo cusub laga dhigo Degmada Xumbeys oo horey u hoostagi jirtay  Degmada Banderbayla.

Gudoomiye Axmed Yuusuf Aw Cismaan ayaa sheegay in muddo saddex sano ah uu soo socday qorshahaan Degmada looga dhigay Xumbeys Islamarkaana aanu ahayn arrin iska soo boodo ah habayaraatee aanan ku imaan deg deg.

Wuxuu sheegay Axmed Yuusuf dadweynaha ku nool Gobolka Karkaar inay si weyn usoo dhaweeyeen talaabada Xukuumadda Puntland ku ansixisay in la shaaciyo Afar degmo oo cusub oo ka mid noqonaya Degmooyinkii horre ee hoostagi jirey maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Degmada Xumbeys ayaa intaas ku darey inay leedahay heer isku filaansho oo ay Degmo ku hanan karto magaalada Xumbeys.

Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST