Puntland oo xabsiga dhigtay Wariye Axmed Cali Kilwe

Waxaa maalintii 2aad ku xiran magaalada Garowe Wariye Axmed Cali Kilwe oo maalintii shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidamo uu hogaaminayo taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland ka dib amar kasoo baxay Madaxtooyadda Garowe.

Ma jirto cid ka tirsan madaxda iyo laamaha amniga oo ka hadlay xariga Wariye Axmed Cali Kilwe , wallow warar madax banaan oo soo baxaya sheegayaan inuu ku yimid amar kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wariye Axmed Kilwe oo telefonka kula hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ku sababeeyay xarigiisa ka dib xiriir uu kala sameeyay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas barta uu ku leeyahay Facebook iyo Sidoo kale arrimo la xiriira qoraalo uu ku baahiyay Kilwe baraha bulshada.

Kala soco PUNTLAND POST wixii faahfaahin ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST