Banaanbaxyo ka dhan ah Xukuumadda Puntland oo ka dhacay Gobolka Karkaar

Banaanbaxyo ka dhan ah go,aan maalmo ka hor Xukuumadda Puntland ku ansixisay in Degmooyin cusub laga dhigo Buursaalax, Shaxda, Dhudhub iyo Xumbeys ayaa maalintii labaad ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar gaar ahaan kuwo hoosyimaada Degmada Banderbayla.

Dadweyne kazoo horjeeda in Degmooyin laga dhigo Tuulada Xumbeys iyo Dhudhub oo horey u hoos imaan jirey Degmada Banderbayla ayaa isu soo bax ka sameeyay maanta iyo shalay magaalada Banderbeyla iyo Dhudhub.

Faarax Axmed Xooshle oo horey Gudoomiye uga soo noqday Degmada Banderbeyla haatan ku sugan magaalada Banderbeyla ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST banaanbaxyada ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Karkaar.

Wuxuu sheegay Faarax Axmed Xooshle inaysan jirin siyaasad iyo arrimo kale oo ku lug leh isu soo baxyadaan balse ay dareenkooda ku muujinayaan dadweynaha ku nool deegaanadaas.

Dhagayso Wareysi PUNTLAND POST la yeelatay Faarax Xooshle.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.