Qarax ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Muqdisho-[Puntland Post] Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida uu ku soo waramayo  Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay saakay Abaare 08:00 Subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay inta badan Xafadaha Muqdisho gaar ahan Xafadihii ka ag dhawaa sida Hodan, Yaaqshiid iyo Deyniile.

Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxa lagu aasay wadada dhinaceeda uuna haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka AMISOM, balse ilaa hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidanka AMISOM.

Ururka Al-shabaab ayaa Qaraxyada noocaan oo kale ah waxa ay Ciidanka AMISOM kula eegtaan marka ay isticmalayan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho oo ah wado mashquul badan.

Cabdiqani Boos

Puntland Post