Dawlada Hoose oo Xafadaha Bosaso ka bilawday Olole Nadafadeed

Bosaso-[Puntland Post] Dowadala Hoose ee Degmada Boosaaso ayaa Olole Nadafadeed ka bilwaday  magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari waxana ay socon doonaan mudo sadex bari ah.

Daahfurka ololahan ayaa waxaa ka qayb galay Duqa Degmada Boosaaso Yaasin Mire Maxamuud ,Kuxigeenka Duqa Degmada Siciid Garon iyo Xildhibano ka tirasan golaha Deeganka Boosaaso.

Xildhibaan Cabdi Nuur oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ololahan bishii mar la qabto waxaana uu shacabka Boosaaso ugu baaqay in ay ka qayb qaataan bilicda Boosaaso.

Xildhibaan Cabdi Nuur ayaa sida oo kale sheegay in ay Qandaraaska lagu nadiifinayo Boosaaso ay siiyeen shirkado loona baahan yahay in lala shaqeeyo si ay magaaladu ay u yeelato Bilic.

Ololahan ayaa ku soo beegmaya xili qaybo ka mid ah xaafadaha Boosaaso uu Qayshin buux dhaafiyey, taas oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen dadka xafadahaasi dagan.

Cabdiqani Boos

Puntland Post