Trump oo soo saaray shuruurdo cusub oo dal ku gal

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa soo saaray shuruudo cusub oo looga baahan yahay dadka dal ku gal ka soo dalbanaya lix dal oo ay Muslimiintu ku badan yihiin iyo qaxootiga, waxaana looga baahan yahay in ay “qaraabo dhaw” ama xiriir ganacsi ku leeyihiin Maraykanka.

Shuruudahan ayaa saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen .
Waxaa la soo saaray ka dib markii maxkamadda sare ay qayb ahaan soo celisay xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.

Amarkan ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u dhaqan geli doono saacadaha hore ee khamiista, iyadoo saraakiisha socdaalka Mareykanka ay sugayaan habka ay ay u fulin doonaan amarka Madaxweyne Trump.

Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xiriir ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.
shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xiriirku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.

Cabdiqani Boos

Puntland Post