Maamulka Qandala oo baaq u diray Puntland

Bosaso- [Puntland Post] Taliyaha Saldhiga Degmada Qandala ee Gobalka Bari oo la hadalay qaar kamid ah warabahainta ayaa sheegay in kooxada Daacish ee ku jirta Buuraha ay bilabeen dhaqdhaqaaq, loona baahan yahay in laga hortago.

Dawlada Puntland ayuu ugu baaqay in ay hawlgalo ka sameeyan Buuraha ku dhaw Degmada Qandala oo uu sheegay in ay ku dhuulmalysanayaa Ciidamo ka tirasa Kooxda Daacish.

” Waxa ay ku jiraan dhul Buuro ah oo aan la gali karin isla markan wax gadiid ah aysan mari karin, iyaguna ma wataan wax gadiid ah, balse lug ayey ku marayaan Buuraha” sidaas waxaa yiri Taliayaha Saldhiga Degmada Qandala ee Gobalka Bari, Axmed Cali Shire.

Taliyaha ayaa sheegay in Puntland looga baahan yahay in ay la timaado qorshayaal cad oo looga hortagayo Dhaqdhaqaayada ciidan oo ay wadaan Kooxada Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuraleyda ku dhaw Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Hadalka Taliayaha Saldhiga Degmada Qandala ayaa ku soo beegmaya xili dhawan ay Puntland ay isku soo dhiiben Rag ka tirasan Kooxada Daacish.

Cabdiqani Boos

Puntland Post