Faah faahin:- Qarax khasaare geystay oo ka dhacay G/Waqooyi Bari Kenya

Kenya-[Puntland Post] Inta la ogyahay 8 Qof oo iskugu jira Arday iyo Ciidan Kenyana ayaa ku dhintay, ka dib Qarax miino ah oo haleelaya gaari ay sarnayeen.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo halis ah oo soo gaaray dad kale oo gaariga saarnaa sida ay xaqiijiyeen laamaha Amaanka ee Gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay qaraxa, waxayna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Dhawaan ayaa waxaa Qarax Miino sidoo kale lala eegtay Ciidamo Kenyan ah, waxaana Qaraxaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay ka geystaan degaanada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kuwaas oo ay kula beegsadaan Ciidamada Kenya.

Cabdiqani Boos

Puntland Post