Howgalka Midowga Yurub oo ka hadlay Markab Dagaal oo Dab ku qabsaday Xeebaha Soomaliya

[Puntland Post] Midowga Yurub ayaa waxaba kama jiran ku tilmaamay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu dab qabsaday oo uu ku degay Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaa Degmada Caluula ee Puntland.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda twitterka ayay ku sheegeen inay ka warqabaan wararka la xiriira in uu dab qabsaday islamarkan uu quusay Badda markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga yurub.

” Waxaanu xaqiijinaynaa in wax shil ah uusan ka dhicin markiibtayada dagaalka ee ilaalisa xeebaha Soomaaliya, dhammaan shaqaalaha maraakiibtayadu waa badqabaan, wax dhib ahna ma jiraan” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka howlgalka Ciidamada Midowga yurub ay soo dhigeen bartooda twitterka

Maraakiib kuwa dagaalka oo ka socda dhowr dal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo kula dagaalamaya burcad badadeedka.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST