Garowe oo laga dhisayo wadooyin laamiya “DAAWO WAREYSI”

Duqa magaalada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) iyo Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Garowe sida Xildhibaan Siciid Cabdisalaan Xasan Ducaale iyo Xildhibaan Mahad Gaalaco ayaa maanta shaqo bilow u noqonaysa ka bilaabay mid ka mid ah wadooyin la laamiyeynayo oo dhex mara gudaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Gudoomiye Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo Wareysi siiyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ka warbixiyay qorshe dhawaan laami lagu saarayo wadada dhex marta Suuqa Fadhi Same oo ah suuqii hore ee magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay Xasan Goodir dhismaha labo wado oo laamiya in mid ka mid ah looga faa,iideynayo ganacsatada degan Suuqa FADHI SAME oo uu sheegay inay ku balameen sidii ay dhismayaal casriya uga samayn lahaayeen laamiga la saarayo Suuqa Fadhi Same ee magaalada Garowe.

Dhinaca Duqa magaalada Garowe Xasan Goodir wuxuu sheegay in wadada kale la saarayo jidka isku xira wadada bulsho ilaa iyo wadada laamiga ee jidka soddonka magaalada Garowe.

Daawo Wareysi Duqa Magaalada Garowe

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST