Masuuliyiin ka tirsan Puntland Oo Shacabka Boosaso kula tukaday Salaada Ciida Garoonka Kubada Cagta

Boosaso[Puntland Post]Boqolal shacab ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa isgu soo baxay tukashada salaada ciida oo markaasi masaleheeda uu noqday Garoonka kubada cagat Ee magaalad Boosaso Dadkaas oo ka kala.

Tukashada salaada ayaa waxaa shacabka ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntlnd kuwaasoo dhamaantood wajiyadooda laga dheehan karay farxada ciida iyo marxabaynteeda.

Sheekh Fu,aad Xaaji Nuur oo kamid ah Culimada Puntland oo ugu horan gobata ka hadalay ayaa hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, isagoo ku  booriyey  inay is-cafiyaan, inay isu tanaasulaan iyo inay heshiiyaan, waxaana uu shacabka reer Puntland ku booriyey inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida .

Duqa Degmada Boosaso Yaasiin Mire Maxamuud waxa uu sheegay in shacabka Boosaso iyo Gnacasatad looga bahan yahaya in ay si isku tashi aha uga qab qatan dayac tirka lagu samaynayo wadooyinka Bur bursan ee ku Yaala Boosaso.

Gudoomiyaha Gobalka bari Dr,Yuusuf Maxamed Wacays Dhado,ayaa shacbka ku booriyey in ay ilashadan Amankood waxana uu sheegay in looga baahan yhai in ay Ciidamada Amanka la shaqeeyan si loga hor tago kooxaha dhibta wada .

Amanka Magaalada Boosaso ayaa la xaqiijiyey isku socdaka gadiida ayaa hakada laga liyey inta salada lagu jiraya sababo la xiriira amanak.

Waxaa xusid mudan in salada Ciidul Fidriga ay ku soo aadayso xilli kulayla ah oo dadka badankiisana bishan ay u Yaqanaan AAMUS OO HA HADLIN tas oo dadka qaybtiisna ay kuu sheegayaan in kulaylkan daran ay ku ilawayaan fadliga ciida iyo waliba farxada ay la wadaagayaan dadka reer Boosaaso

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST .BOOSASO