Xuska Maalinta Caruurta Afrika oo Boosaso laga Xusay

Boosaso[Puntland Post]Munaasibad lagu xusayay maalinta caruurta afrika oo sanad kasta laga xuso aduunka  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Boosaso Ee xarunta Gobalka Bari.

Munaasibadan oo ay si wada jir ah u soo qaban qabiyeen Haya,dda SAVE THE CHILDERN ,Wasarada haweenka Qabteeda Gobalka Bari iyo Maamulka Gobalaka ayaa waxa ka soo Qabgalay masuuliyiinka socaday Haya, addaha u dooda Xuquuqda Caruurta Afrika ,Madax ka socta wasaradda Haweenka Puntland iyo Ururda bulshada.

inta ay Munasabadu socotay ayaa Masuuliyiintii ka soo qabgalay waxa ay ka Doodeen  Xuquuqda Caruurta Yar yar  iyo kalainta ay kaga leeyihiin Bulshada iyadoona ugu danbanti Isku aragti Ka Noqday Xuquuqda caruurta ay leeyihiin.

Faadumo maxmed siciid oo kuhadlaysay magaca  wasaaradda haweenka gobalka bari oo ugu horan Goobta ka hadashay ayaa ku dheeratay maalintan Qiimaha ay u leedahaya Caruurta afrikanka ah iyo Xuquuqdooda waxana ay tilmamtay in xiligan ay soo wajahdaya dhibatooyin ay ka mid tahaya Daryeel la, aan .
C/qaadir Faarax Siciid oo kasocday hay’adda kaalo iyo Cabdirisaaq Isxaaq Mire oo kasocda hay’adda DRC ayaa sheegay in Munaasibadda noocaan oo kala ah ee Caruurta Soomaliyeed ay Muhiim u tahay islamarkana loo bahan yahay in la tageeo Caruurta yar yar Ee xiligan aan wax baran ku waas oo Qarkooda aan Haysan uu Daryeelkii Nolsha.

Gudoomiyaha Barakacayaasha Boosaaso Xassan layli ayaa sheegaya in tacadi badan uu kajiro Barakacayaasha loona baahanyahay in wax laga qabto.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobalka Bari khadro Maxamuud Cali oo soo xirtay munaasabada ayaa sheegtay in caruurta loo qabto lana baro wax kasta oo wanaagsan maadama ay yihiin jiilkii sookacayey.
inta ay munasabadu socotay ayaa waxa halkasi ka hadlaya masuuliyiin kala duwan oo ka soo qabgalay Munasabada iyagoona soo Jeediyey Talooyin la xiriira sida ugu wnaagsna Ee loogu Gurman Karo Caruurta soomaliyeed Ee xiligan Bilaa Daryeelka ah.

Hay’adaha u Dooda Xuquuqda Cauurta ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay goobaha ugu khatarsan Qaaradda Afrika marka laga hadlayo Caruurta lagu shaqeysto, Caruura hubka loo dhiibo ama kuwa is qarxiya, iyo kuwa aan waxbaran.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST