Somalida dalka Norway oo dhibaato haysata kala hadlay Wasiir Yuusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Federalka Somalia Yuusuf Garaad oo todobaadkii lasoo dhaafey safar ku tagey dalka Norway ayaa ku fashilmay jawaabta uu ka bixiyay cabasho iyo tacadiyo ay usoo gudbiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway ka dib markii uu Jaaliyadda kula kulmay magaalada OSLO.

Yuusuf Maxamed Cumar (Yuusuf Garaad) ayaa sida ka muuqata ku guuldareystay inuu go,aankii ku haboonaa ka qaato cabasho uu soo gudbiyay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Mahad Abiib Maxamuud oo uga sheekeeyay Wasiirka dhibaatooyin kasoo wajahay Dowlada Norway, balse taas bedelkeeda uu kula dooday Wasiir Yuusuf Garaad su,aalo aan meesha oolin iyo hadal aan looga fadhiyin.

Mahad Abiib ayaa u sheegay Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya inuu ka mid yahay dhalinyaro lagala noqday sharcigii dalka Norway Islamarkaana muran la galiyay inuu yahay Somali asal ah iyo in kale, balse markii uu soo cadeeyay taas misna uu caqabado hor leh kala kulmay Dowlada Norway.

Daawo kulanka Jaaliyadda iyo Wasiir Yuusuf Garaad.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST