Wasaaradda Haweenka Puntland oo Xustay Maalinta Carruurta Africa.

Wasaaradda haweenka dowladda Puntland oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta carruurta ee qaaradda Africa.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha dowladda Puntland, wasiirada caddaaladda, waxbarashada, haweenka, agaasimayaal, howlwadeenada wasaaradda haweenka, hay’adaha la shaqeeya wasaaradda, waalidiin iyo boqolaal carruur ah oo laga kala keenay xaafadaha magaalada Garoowe.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo daahfuray xafladda ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’antahay sidii dhallaanku ay u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.

Wasaaradda ayaa intaa kadib soo bandhigtay waxbaqabadkii ay ilaa sanadkii hore ee 2016 ka qabatay gobolada Cayn, Sanaag, Mudug iyo Bari iyo qorsheheeda xiga.

Wasiirka haweenka dowladda Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo xafladda ka jeedisey khudbad dheer ayaa ku dheeraatay sida ay wasaaraddu ugu dedaashay u qareemidda, dumarka, carruurta iyo dadka tabaalaysan, dejinta shuruucda lagu difaacayo iyo fulintooda.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo soo xiray munaasabadda ayaa ku dheeraaday sida ay dowladda Puntland ugu dedaashey ilaalinta xuquuqda haweenka, si loo dhiso mustaqbalka shacabka Puntland, wuxuuna tilmaamay inay ka shaqayn doonaan ilaalinta carruurta iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah.

Ugu dambayntiina madaxweynaha ayaa baalmarino gudoonsiiyey carruur tartamaysey, wuxuuna sidoo kale agabkii ay ku ciidi lahaayeen u qaybiyey carruurtii xafladda ku sugnayd.

SAWIRRO

GAROOWE

PUNTLAND POST