Tartanka Qur’aanka Gobolada Puntland oo ka furmay Magaalada Garowe .

Tartanka Qur,aanka Gobolada Puntland oo galay sanadkii lixaad , waxaana sanadkaan kazoo qeybgalay 16 Degmo oo ka mid ah 37 degmo oo ay ka kooban yihiin Gobolada Puntland, Waxaana magaalada Garowe ugu dambeyn loogu qabanayaa tartanka Qur,aanka Ardeydii  kaalimaha horre kusoo baxay is reebreebka Degmooyinka.

Furitaanka Tartanka Qur’aanka Waxaa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada  Cadaalada Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac Gudoomiyaha Tartanka Sh Axmed Yuusuf Daad/ Madaxda sare Ee Mu’asasada Al-minhaaj  Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed / Culima Aw Diin Iyo Boqolaal Dadweynr ah oo soo buux dhaafshay masjidka Al-Huda Garowe.

Waxaa goobta laga soo jeedshay dardaaran Iyo Dhiiri galin ku wajahan ardayda tartamaysa iyo Guud ahaan bulshada waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadshay ku baaqeen in lajoog teeyo barashada iyo ku camal falka kitaabka Allah .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST