Xoghayaha Wasaarada Maaliyada Puntland oo kulan afur ah ku qabtey Garowe.

Waxaa galinkii danbe ka qabsoomay magaalada Garowe munaasabad Afur ah oo isugu jirta soo dhaweynta Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Sagootin Wasiir kuxigeenkii horre ee Wasaaradda Axmed Yaasiin Saalax.

Waxaa kazoo qeybgalay Xafladda Agaasimayaasha waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxayna ahayd xaflad uu soo qaban qaabiyay Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jaamac Jawle.

Agaasimaha guud ee waaxda canshuuraha beriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan ayaa ka hadlay muhiimiyadda kulankaan Afurka, wuxuuna sheegay inuu yahay mid muujinaya tixgalinta loo hayo masuuliyiintii horre ee kazoo shaqeysay Wasaaradda iyo Kuwa cusub eek u wareegaya shaqada ama xilkooda.

Wasiir kuxigeenkii horre Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha Wasaaradda sidii wanaagsanayd oo ay ula shaqeeyeen mudadii uu xilka hayay.

Ugu danbeyn Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ay u wada shaqeyn doonaan isaga iyo shaqaalaha Wasaaradda, Isagoona si kal iyo laab ah u sagootiyay masuulkii uu xilka kala wareegay.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan.

Madaxa Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xafiiska Garowe.