Wasaaradda Beeraha Puntland oo tababar u qabatay qaar kamid shaqaaleheeda.

Xarunta wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu soo afmeeray tababar ay ka faa’iidaysanayeen shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda.

Tababarkaani oo ay bixinayeen qayb  ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo waraabka gaar ahaan lixdii shaqaale ee loo qaatay mashruuca tayaynta Sahqaalaha Dawladda (Capacity injection project ICP)  oo uu maal geliyo Bangiga Aduunka (World Bank)  waxayna tababarkaas u gudbinayeen isla shaqaalaha kale ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,  tababarkaa oo soconayey muddo asbuuca ah.

Lixda (6) shaqaale ee tababarka bixinayey ayaa horay u soo qaatay tababarro kala duwan oo ku aadan tayaynta shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyadoo ay dib ugu soo celiyeen Wasaaradda iyo Sahaqalaha si ay aqoontooda ugu gudbiyaan sida ku cad ciwaanka ama magaca mashruuca tayaynta shaqaalaha Dawladda Puntaldn (Capacity injection Project) ee uu maal gelinayo Bangiga Aduunku (World Bank)

Tababarkaas oo soconayey muddo 7-cisho ah ayaa waxa lagu baranayey maadooyinka kala ah:

  1. Hormarinta maamulka shaqalaha (Human Resource Management)
  2. Horumarinta siyaasada iyo qorshaynta (Policy and Planning )
  3. Maaraynta iibka (Procurements)
  4. Horumarinta iyo xiriirka tignoolojiyada Casriga ah ( ICT )
  5. Qiimaynta iyo dabagalka (Monitoring and Evaluation)
  6. Maaraynta maaliyadda (Financial Management )

Sidoo kale waxa gacan weyn ka geystey hirgelinta tababarkan Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaa soo muujiyey isbedel weyn oo la taaban karo.

Magacyada tababarayaasha

  1. Cabdifataax Maxamuud Maxamad ……………………..Madaxa shaqaalaha HRM
  2. Maxamad Faarax C/lle ……………………………………Madaxa siyaasada iyo qorshaynta
  3. Sadaam Maxamad Jaamac …………………………….. Madaxa Iibka
  4. Cali Biniin Boss………………………………………………. Madaxa xiriirka tignoolojiyada Casriga ah
  5. Axmad Cali Maxamad……………………………………. Madaxa Qiimaynta iyo dabagalka (M&E)
  6. Makhtal Siciid Maxamuud………. Maaraynta maaliyadda (Financial Management )

SAWIRRO

GAROOWE

PUNTLAND POST