Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Kal-fadhigii 39-aad ee Barlamaanka Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa u maanta daahfuray kalfadhigii Kalfadhigii 39aad ee barlamaanka dowladda Puntland.

Xarunta golaha shacabka aya waxaa ku sugan madaxweynaha dowladda Puntland, gudoonka barlamaanka, xildhibaano, wasiiro, madaxda hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah iyo qaybaha bulshada rayidka ah ee Puntland.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadli doono waxqabadkii xukuumadda, qorsheheeda xiga iyo arrimo la xiriira xaaladda guud ee Puntland haatan ku sugan tahay.

GAROOWE

PUNTLAND POST