Dallada PUNSAA oo Garowe ku marti-galisay shir dib loogu eegayo Dastuurka Somalia

Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir  ku saabsan qorshe dib u eegis loogu samaynayo labada sano ee soo socota Dastuurka Dalka Soomaaliya, Waxaana soo qaban qaabiyay Shirkaan oo ay goobjoog u ahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya , Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Dowlada Puntland, Dallada Ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA.

Faysal Qaran Gudoomiyaha Dallada Ururada Aan dowliga ahayn oo ugu horeyn ka hadlay furitaankii shirkaan ayaa sheegay inuu kusoo dhaweynayo magaalada Garowe Wasiirka Dastuurka Dowlada Federalka Soomaalia si la mid ah sidii uu ugu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inay hal balad ama magaalo isku mid ah kazoo wada jeedaan  Isaga, iyo Wasiir Xoosh Jibriil, iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Puntland.

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Aan dowliga ahayn Faysal Maxamed Warsame (Faysal Qaran) waxa uu sheegay inuu wanaagsan yahay qaabka hadda loo wado Dastuurka dalka Soomaaliya, Isagoona ku booriyay Wasaaradda Dastuurka inay gaarsiiso dhamaan dalka oo dhan tuulo ilaa degmooyinka.

Wuxuu kula taliyay Faysal Qaran Dowlada Federalka iyo Dowlada Puntland si looga baxo isqab qabsi dhexdooda yimaada in labada dhinacba ay sameeyaan guddiyo sixitaan ku sameeya wixii shuruuc iska hor imaanaya,sida in la iswaafajiyo nidaamka u degsan maamulada dalka iyo Dowlada dhexe.

Wasiirka Dastuurka Dowlada Federalka Soomaaliya Xoosh Jibriil iyo  Masuuliyiinta Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Puntland waxaa si isku mid ah su,aalo adag ugu weydiiyay madasha kulanka kazoo qeybgalayaal ka socda dhamaan ururada aan dowliga ahayn ee ka jira Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.