Daawo khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka horjeediyay Baarlamanka

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad dheer oo ku saabsan wixii u qabsoomay Xukuumadiisa mudadii u dhaxaysay labo kalfadhi ka hor jeediyay kalfadhiga 39-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta 15 June 2017 ka fumay magaalada Garowe, Wuxuuna ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin.

  1. Weerarkii Alshabab tuulada Af-urur iyo Abaalmarinta Ciidamo Puntland.
  2. Hanaanka isku dhafka ciidamo qaran oo ka imaanaya maamulada dalka.
  3. Maaliyadda iyo Nidaamka Maareynta Dhaqaalaha Puntland .
  4. Gurmadkii Abaaraha iyo Taakuleynta Reer Miyiga Puntland.
  5. Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka.
  6. Kor u qaadida Cadaaladda iyo Dhaqan-celinta Maxaabiista.
  7. Garoomada Puntland iyo Dhismaha Airport-ka Garowe iyo Gaalkacyo.
  8. Shatiyadda Ganacsiga iyo Heshiisyada Is-afgaradka.
  9. Heshiisyada Puntland la gashay Shirkado Shisheeye
  10. Arrimaha Ciyaaraha iyo Dhiirigalinta Dhalinyarada.
  11. Arrimaha Shaqaalaha iyo Tiro-koobka Shaqaalaha Puntland.
  12. Arrimaha Qorsheynta Xiriirka Caalamiga ee Puntland.
  13. Arrimaha Haweenka iyo Taaba-galinta Siyaasada Jinsiga iyo

Qodobo kale ayuu Madaxweynaha Puntland uga hadlay khudbad socotay 40 daqiiqo oo uu ka hor jeediyay maanta furitaanka kalfadhiga 39 aad ee Baarlamanka Puntland.

Daawo Khudbada Madaxweyne Gaas.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST