Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayo dardargalinta mashruuca JPLG

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14 June 2017, ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Garowe shir looga hadlayo dardargalinta Mashruuca JPLG oo ay ka soo qayb galeen Hayaddaha Dawladda Puntland iyo dhamaan hayadda ku bahoobay  Mashruuca JPLG.

Ujeedada Shirka ayaa ahaaa sidii loo fulin lahaa Natiijadii kasoo baxday dib u eegistii lagu sameeyay siyaasadda maamul daadajinta iyo in Wasaaradda Maaliyaddu ay ku wareejiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha lacagtii lagu fulin lahaa mashaariicda JPLG ee 2016.

Shirka ayaa waxaa hogaaminayay Madaxwayne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, waxaana ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md Cabdisalam Bashir, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Caafimaadka , Waxbrashada, Hawlaha Guud, Qorsheenta, Xoghaya Wasaaradda Maaliyadda iyoAsimaha Guud Maxadtooyada Saraakiil ka socotay Hayaddaha JPLG.

Shirka ayaa looga dooday sidii loo dardar galin lahaa mashruuca isla markaasna loo wada xalin lahaa wixii caqabadaha ah oo soo food saara Mashruuca.

Dhinaca kale Waxaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa gudoon siiyay cheque ay ku qornayd lacagaha ay bixiyeen Dawladda dhaxe iyo Hayaddaha JPLG oo dhan USD 978,000 (Sagaal boqol todobaatan iyo sided kun oo dollar).

Shirka ayaa waxaa soo xiray Madaxwayne Ku Xigeenka asagoo faray Hayadaha Dawladda in la iskula xisaabtami doono shaqooyinka ay masuulka ka yihiin.

Maxamuud Cabdisalaan Xadan Ducale

Madaxa Warbaahinta Wasaaradda Maaliyadda

Xafiiska Garowe