Ergo uga qeybgashay Puntland gogol dib u heshiisiin oo la dhigay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir dib u heshiisiin oo ay ka qeybgalayaan ergooyin ka socda maamulada dalka Soomaaliya sida Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Jubaland, waxaana soo qaban qaabisay shirkaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dowlada Federalka Soomaaliya.

Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye (Shuuqe) oo hogaaminaya 21 Ergay oo u matalaysa shirkaas Puntland ayaa uga waramay warbaahinta PUNTLAND POST ujeedada shirka uu uga qeybgalayo Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu yahay mid looga gol leeyahay miro dhalkiisa sidii lagu heli lahaa furihii dib u heshiisiinta nabada dalka Soomaaliya.

Caaqil Shuuqe wuxuu intaas ku daray in shirku maanta furmay islamarkaana wixii ka dambeeya la guddo gali doono Ajandayaasha looga hadlayo iyo dooda ku saabsan dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, Wuxuuna hoosta ka xariiqay in la iskula soo qaadi doono arrimo ku saabsan wixii dhibaato ah oo ay kala tirsanayaan dadka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Daawo wareysi P.P la yeelatay Caaqil C/raxmaan Shuuqe

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST