Ardey kasoo jeeda Puntland oo xarig iyo tacadiyo loogu geystay Dalka Pakistan

Ardey ku nool dalka Pakistan ayaa ku eedeeyay Madaxda Safaaradda Soomaalida ee ku taala magaalada Islambad heyb-sooc iyo tacadiyo ka dhan ah Ardeyda wax ka barata dalka Pakistan gaar ahaan kuwa kazoo jeeda deegaanada Puntland.

Qaar ka mid ah Ardeydaan oo xiriir lasoo sameeyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay in dhawr mar oo kala duwan xarig iyo tacadiyo ka baxsan nidaamka diblumaasiyada caalamiga ay kala kulmeen madaxda Safaaradda Soomaalida ee dalka Pakistan ka dib markey isku dayeen inay u gudbiyaan cabashooyin ku saabsan adeegyada ay uga baahan yihiin Safaaradda.

Ardeydaan ayaa dhawaaq dheer ku sheegay in loola dhaqmo sifo ka baxsan bini,aadamnimada, waxayna ku eedeeyeen masuuliyiinta safaaradda kuwo ula dhaqmaya qaab heyb sooc  iyo mid lagu bartilmaameedsanayo Ardeyda dhalashada baasaboorkoodu ku qoran yahay qaar ka mid ah deegaanada Soomaalida, Waxayna ka codsadeen masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda,Waxbarashada iyo Xildhibaanada DF Somalia ee kazoo jeeda Deegaanada Puntland inay si deg deg ah ugu istaagaan wax ka qabashada Arrintaan Ardeydu ku sheegtay tacadi ku socday muddo ka badan sanad.

Dhinaca kale Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa isku dayday inay xiriir kala samayso arrintaas masuuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalka Pakistan, balse way u suuro gali wayday sababo la xiriira telefonka madaxda safaaradda oo aan laga jawaabin.

Tan iyo intii ka dambeysay markay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii waxaa xoogeysatey cuqdada iyo heybsooca u dhaxeeya ummadda Soomaaliyeed,Taas oo saamayn ku yeelatay masuuliyiinta iyo madaxda Dowlada Soomaaliya.

Dhagayso Wareysiga Ardeyda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST