Shir looga arrinsanayey nidaamka asxaabta badan oo lagu soo xiray Garowe

Xarunta Hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu soo afmeeray shir weyne looga arrinsanayey doorashooyinka hanaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Shirkaan oo socdey muddo saddex cisho ah ayaa waxaa laga soo saaray 6 qodob oo ku qotoma arrimaha doorashooyinka Puntland iyo hanaanka dimuquraadiyadda sida uu ku dhawaaqayo xoghayaha gudiga doorashooyinka Puntland Liibaan Saalax.

Dhanka kalena gudoomiye ku-xigeenka ahna ku-simaha gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland Maxamuud Soofe Xasan ayaa saxaafadda uga jawaabey su’aalo la xiriira shirkaasi iyo mudadii uu socdey.

DHEGAYSO CODKA XOGHAYAHA

DHEGAYSO CODKA GUDOOMIYAHA

GAROOWE

PUNTLAND POST