Shir lagu ansixinayo siyaasadda dhulka miyiga ah ee Puntland oo Garoowe ka furmay

Wasaaradda deegaanka, daaqa iyo duur joogta dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay shir lagu ansixinayo siyaasadda dhulka miyiga ah ee Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotey wasaaradda, waxaana ka qaybgalay, khuburo ku takhakhustay arrimaha deegaanka, lataliyayaal iyo qaybaha bulshada.

Agaasimaha waaxda isbedelka Cimilada wasaaradda deegaanka dowladda Puntland Maxamed Ciise Maxamed oo ugu horayn ka hadlay siyaasaddaani ayaa sheegay inay soo martay heerar kala duwan haddii ay meel martana ay waxbadan ka qaban doonto dhibaatooyinka haysta deegaanka ee Puntland.

Muno Daahir Dalmar, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Puntland oo si rasmi ah u daahfurtay shirka ayaa ku boorisey ka qaybgalayaasha inay si rasmi ah u falanqeeyaan siyaasaddaani si ay u noqoto mid miro dhal ah.

Agaasimaha ayaa sheegtay in carra-guurka, xaalufka iyo dhibaatooyinka deegaanka ee Puntland ay siyaasaddaani waxbadan ka qaban doonto lagulana dagaalami doono.

SAWIRRO

GAROOWE

PUNTLAND POST