Agaasimaha Asteynta iyo maamul wanaaga Puntland oo la kulmay shil khasaaro geystey

Agaasimaha Asteynta iyo maamul wanaaga Puntland ayaa galinkii dambe maanta 13 June 2017 kula kulmay duleedka magaalada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal shil gaari oo sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca mid ka mid ah ilaaladiisa.

Wararka PUNTLAND POST helayso ayaa sheegaya inuu sabab u ahaa shilku ka dib markii uu taayir u qarxay gaariga gadoomay,waxaana ku nafwaayay labo qof oo mid ka mid ah tahay Gabadh magaceeda la yiraahdo Jawaahir Cabaas Faarax Cuud oo ka timid dalka Canada iyo Askari ka mid ah Ilaalada Agaasime Cabdiraxmaan Cali Guureeye.
 
Isbitaalka magaalada Garowe waxaa abaaro maqribnimadii galabta lasoo gaarsiiyay dhaawaca askari kale oo ka mid ahaa ilaalada la socotay Gaariga shilka galay.
 
Bahda PUNTLAND POST ayaa uga tacsiyeynaysa ehelada iyo qaraabada Jawaahir Cabaas iyo Askariga ku dhintay shilkii galabta, Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun..

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST