Puntland oo wafti balaaran u dirtay Jiida Galgala iyo Gobolka Bari

Dowlada Puntland ayaa wafti balaaran oo ka socda Xukuumadda u dirtey deegaano ka tirsan Gobolka Bari iyo Jiida Ciidamada Puntland ku sugan yihiin ee Buuraha Galgala waxaana lagu wadaa inay kusoo sameeyaan qiimeyn iyo u kuurgalid ku saabsan xaalada ciidamada iyo shacabka ku nool.

Wararka PUNTLAN POST ka helayso socdaal waftigu uga kicitimay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya inay qeyb ka yihiin Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab,Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda Siciid Maxamed Raage,Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Cabdulaahi Tima-cade,Wasiirka Caafimaadka Dr Cabdinaasir Cuuke iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda.

Qorshaha 1aad ee waftiga ayaa ah inay maalinta beri ah ku booqdaan Isbitaalka Degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari askar ku dhaawacmay weerar gaadmo ah oo dagaalyahano ka tirsan Alshabab 07 Bishan 2017 kusoo qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin meel u dhaw tuulada Af-urur.

Sidoo kale Waftiga ka socda Xukuumadda Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inay socdaal gaaban ku tagaan saldhigyada ciidamada Puntland ku leeyihiin buuraha silsilada Golis, ka dibna waxaa lagu wadaa inay Bosaso kulamo iyo shirar kula qaataan qeybaha kala duwan ee bulshada,Saraakiisha Ciidamada,Kuwa laamaha Amniga ,Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Bosaso.

Isku soo wada duuboo qorshaha waftiga ayaa warar madax banaan sheegayaan inuu yahay mid qeyb ka ah olole balaaran oo Xukuumadda Puntland ku damacsan tahay hawlgalo adag oo dhawaan lagu qaadi doono kooxo ka tirsan Alshabab iyo Daacish oo sida la rumaysan yahay ku dhuumaalaysanaya qarar iyo godad ku yaala buuro dhaadheer oo ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

PUNTLAND POST