Garowe:- Xil wareejin ka qabsoontay Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Wasiir  kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Abdisalam Bashiir ayaa maanta 10 June 2017 xilka kala wareegay Wasiir kuxigeenkii hore Ahmed Yaasiin Saalax

Waxaa ka qeybgalay xilwareejinta qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Beeldaaje,Agaasimaha guud ee canshuuraha beriga Cali Jaamac Gaashaan,Xisaabiyaha guud ee Dowlada Puntland iyo Kuxigeenkiisa iyo  Shaqaalaha Wasaaradda .

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamuud Beeldaaje ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qeybgalka munaasabadaan wuxuuna ku amaanay Axmed Yaasin shaqadii wanaagsanayd oo uu ka qabtey Wasaaradda mudadii uu xilka hayay, Halka uu isna ku dhiiri galiyay Wasiir kuxigeenka cusub inuu dardar galiyo shaqada.

Axmed Yasiin Saalax Wasiir kuxigeenkii horre ee Maaliyadda Puntland ayaa sheegay mudadii uu xilka hayay oo ahayd 3 sano iyo shan bilood inuu wax ka qabtey .

  1. Kicinta Canshuuraha.
  2. Kor u qaadida dhakhliga Dowlada.
  3. Ku dhaqanka Miisaaniyada.
  4. Siyaasada Canshuraha Dowlada.

Ugu danbeyntii waxaa ka hadlay munaasabadaan Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaradda Maaliyadda Dowlada  Puntland Cabdisalaan  Bashiir  Cabdisalaan oo sheegay inuu alle ka rajeynayo inuu u fududeeyo xilkaan, Islamarkaana uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono Madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaheda.

Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Maxamuud Cabdisalam Hasan Duale