Tartanka Qur’aanka ee Bosaso oo lagu dhawaaqay Natiijada Ardaydii ku guulaysatay kaalimaha hore

Munasabadan ayaa ahayd mid lagu soo gabagabeynayey tartanka Qur,aanka Kariimka ah ee u dhexeeya Dugsiyada waxabarshada ee Boosaaso .

Ardaydaan ayaa ku kala tartamayay heerarka kala duwan ee Qur’aanka waxayna ka kala socdeen Dugsiyada kala duwan ee magaalada Boosaaso sida 30jus/20jus/10jus Iyo 5jus, waxaana soo qaban qaabisay mu’asasada Al-Minhaaj.

Tartankan ayaa ah mid is reeb reeb ah oo dhexe mari doona dhamaan Dagmooyinka Puntland Ardayda kaal maha hore gashan waxa ay u gudbi doonaan tartanka Qur,aanka Kariimka ah ee Heer Puntland kaas oo lagu qaban doono magaalada Garowe ee Caasimada Puntland .

Xalfadan ayaa waxa ka soo qab galay gudiga tartanka Qur,aanka kariimka ah ee heer Puntland, Nabadoono, Culimo iyo bushada qaybeheeda kala duwan.

Gudoomiyaha tartanka Qur,aanka Kariimka ah ee heer Puntland Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ugu horayn goobta ka hadalay waxa u sharaxay dagmooyinka uu tartankani ka dhacayo.

’Tatankan wax uu ka dhacay Dagoomiyka Puntland oo dhan ooo xiligas u diyaar ah ka qab galka Tartanka mudo lix sano ah ban wadnay Tartanka waxana Ardayda kal maha hore gala ay u gudbi doonan  Tartanka Heer Puntland o Garowe lagu Qaban Doono’’

Xasan Cabdale Xasan oo ah Gudoomiyah Mu’asasada Al-Minhaaj.Ee gobalka Bari, ayaa sheegay in Tartankan ay soo wadeen mudo lix sano ah isla markan aya ka qabtan Deeganada Puntland waxana uu u mahad celiyey masuuliyiinta Gacanta ku Haya Tartanka.

Nabadoon Cabdiqaadir Xarago oo munasabada ka hadlay wax uu sheegay in wax lagu farxo ay Tahaya in Arday dayar ay ku tartaman Qur,aanka kariimka ah isla marakan ay tahay wax lagu farxo.

Ustaad Maxamed Cumar oo ah Gudoomiyaha Tartanka Ee Magaalada Boossao ayaa ku dhawaqay Ardayda ku Guuleysatay Kaalmaha hore.

Daawo Natiijada Ardayda gashay Kaalmaha hore Ee ka galay Tartanka Qur,aanka kariimka ah Ee Boosaso

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST