Puntland oo kulan Deg Deg ah kaleh duulankii Al-Shabaab ee tuulada Af-urur

Madaxweyne Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo gollihiisa Wasiiradda ayaa hada shir Deg Deg ah ku leh xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe, waxaana si weyn looga hadlaya duulaankii saakay waaberigii lagu qaaday ciidanka  Puntland, ee ku sugnaa saldhiga tuulada Af-urur ee buuraha Galgala.

Weerarkaan oo ahaa midkii ugu xooganaa ee Al-shabab ka geystaan gudaha Puntland, ayaa lagusoo waramayaa in lagu dilay Sarakiil ciidan, Askar iyo Dad Rayid ah.

Afhayeenka Madaxtooyad Puntland oo qaar kamid ah warbaahinta khadka Taleefanka kula hadlay ayaa sheegay in shirka ay isugu yimadeen Madaxda Puntland intooda badan looga hadalayo duulaanka Al-Shabaab ay ku soo qadeen fariisim Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin saldhiga tuulada Af-urur ee buuraha Galgala.

Saxaafada ayaa la filayaa in loo yeero shirka kadib.

Wixii soo kordha Puntland Post Lasoco insh allah.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST