Yaa loo soo dhiibay Qaraxyadii lagu qabtay Bosaso? Daawo Wareysi

Taliyaha Kantaroolka Bosaso Maxamuud Qalaf ayaa faahfaahin ka siiyay PUNTLAND POST qaabkay u qabteen,dadka loo soo dhiibay iyo meesha loo wadey qaraxyadii lagu qabtey maalmo ka hor Kantaroolka Bosaso.

Maxamuud Qalaf Taliyaha Kantaroolka Bosaso ayaa sheegay inay sabab u ahayd guusha ay ka gaareen arrintan ka dib natiijo ka dhalatey baaritaanada ay si isku mid ah habeen iyo maalin ugu samaynayaan ciidankiisu gadiidka galaya iyo kuwa kasoo baxaya magaalada Bosaso.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Taliye Maxamuud Qalaf saddex qof oo watey gaariga lagu soo qariyay sida Darawalka, Darawalka 2aad iyo Kirishboyga in  looga soo dhiibay qaraxyadaan Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay inay guulaysteen qabashada qofkii loo waday qaraxaan oo ahaa shaqsi ku nool gudaha magaalada Bosaso.

Daawo Wareysi PUNTLAND POST la yeelatay Taliye Qalaf.

Dhinaca kale warbaahinta PUNTLAND POST ayaa maalmo ka hor shaacisay shir jaraa,iid oo ay magaalada Baladweyne ku qabteen Odoyaal iyo Ganacsato ayaa baaq ugu jeediyay Dowlada Puntland inay sii deyso gaariga qaraxa lagu qabtey iyo saddexda qof oo la socday ka dib markey sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn falkaan 3 qof iyo gaariga qaraxyada lagu soo qariyay.

Daawo Baaqa Odoyaasha iyo Ganacsatada ku nool Baladweyne.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.