Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq

Caabudwaaq [Puntland Post]Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si diiran loou soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo xubno kale ayaa waxaa socdaalkooda la xiriiray u kuurgelidda xaalada magaalada Caabudwaaq iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jirta degmada.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST