Madaxweynaha Puntland oo isku shaandheeyay Maxkamadda Ciidamadda

Gudoomiyihii maxkamadda shanta Gobol ee ciidamada qalabka sida Korneyl Cabdifataax Xaaji Aadan oo wareysi siiyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ka waramay isku shaandheynta Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Wuxuu sheegay Korneyl Cabdifaraax Xaaji Aadan inuu ku faraxsan yahay talaabada uu qaadey Madaxweyne Cabdiweli Gaas Islamarkaana ay saamaysay wareegtada kazoo baxday xafiiska Madaxweynaha inta badan masuuliyiintii xilalka ka haya Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Mar wax laga weydiiyay in madaxda Puntland tallaabadan u sameeyeen habacsanaan jirta, wuxuu sheegay inaysan arrintaas jirin, isagoo sababta usoo qaatay inuusan jirin qof laga ruqseeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Isku shaan-dhayntaas waxay saamaysay dhammaan maxkamadihii, waxaana loo rarey kuwii Darajada Kowaad Maxkamadda sare, Kuwii Maxkamadda Mudug joogay waxaa loo raray Gobolka Nugal, Kuwii Nugal joogay waxaa la keenay Bari, kuwii Bari joogay waxaa la geeyay Mudug, waana qayb kamid ah habka shaqada dowladda,” Ayuu Kornel Cabdifataax oo waraysi siinaya PUNTLAND POST.

Dhagayso wareysiga Korneyl C/fataax

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POS