Agaasimaha maamulka Madaxtooyadda Puntland oo ku dhawaacmay shil

Agaasimaha maamulka Madaxtooyadda PUNTLAND Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa casar liiqii galabta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay agagaarka Kantaroolka Garowe.

Sida la xaqiijiyay shilkan ayaa yimid ka dib markii uu ku rogmadey gaari goob u dhaw oo ay ku lugeynayeen masuuliyiintan,Wuxuuna sababay gaariga gadoomay inuu dusha ka maro Agaasimaha iyo qof kale oo ka agdhawaa goobta shilku ka dhacay.

Dhaawaca Agaasime Cabdinaasir ayaa la ii sheegay inuu yahay jabniin sahlan waxaana la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada GAROWE.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST