Rag ka tirsan Alshabab oo Miino kula kacday wadada Galgala

Sida la rumaysan yahay caawa saq dhexe waxa uu qarax miino oo lagu xirayo wadada isku xirta tuulada Galgala iyo Deegaanka Bali Khadar kula kacday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabab siday xaqiijiyeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ee saldhigyada ku leh deeegaano ku yaala buuraha silsilada Golis ee Gobolka Bari.

“Waxaanu maqalnay xilligaan oo saq dhexe oo habeenimo ah jugta qarax xoogan,waxaana u malaynaynaa inay ahayd miino la kacday maleeshiyo ka tirsan Alshabab oo raba inay qarax ku xiraan wadada isku xirta tuulada Galgala iyo Deegaanka Bali Khadar” Sidaas waxaa telefonka ugu sheegay PUNTLAND POST sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.

Wuxuu intaas ku darey inaysan jirin habayaraatee waxyeelo kazoo gaartey dhacdadaan ciidanka iyo gadiidkooda balse ay maqleen oo kaliya dhawaaqa jugta culus ee qaraxa oo uu sheegay inay uga shakisan yihiin inay ahayd miino la kacay kooxdii diyaarinaysay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu la kaco qarax miino oo ay xirayaan rag ka tirsan ururka Alshabab ee ku dhuumaalaysta qarar iyo godad ku yaala buuraha Galgala.

PUNTLAND POST