Madaxda IGAD oo Xal ka Gaareysa Xaalada ka jirta Koofurta Sudan

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa kulan deg deg ah ku yeelanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya 12-ka Bishaan sida uu shaaciyay Madaxa Urur Goboleedka  IGAD  Hailemariam Desalegn ahna Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Warqad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u qoray Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayuu ku sheegay in wali uu sii socdo dagaalada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.

Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Sudan, isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Sidoo kale Shirkaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dalalka Ku jira Urur goboleedka IGAD.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa dhowr jeer ka shiray Xaaladda Cakiran ee Suudaanta Koonfureed

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shirkaasi oo diirada lagu saarayo Xaaladda Suudaanta Koonfureed.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST