Puntland oo loogu baaqay inay sii dayso gaarigii qaraxyada lagu qabtay iyo 3 qof.

Odoyaal iyo Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay Dowlada Puntland inay si shuruud la,aan ah kusii deyso saddex qof oo ah darawalada iyo Gaari nooca Soomaalidu u taqaano Candho meydle oo shalay lagu qabtey Kantaroolka magaalada Bosaso ka dib markii lagu soo qariyay qaraxyo waaweyn.

Odoyaashaan iyo Ganacsatada oo uu ka mid yahay mulkiilaha iska leh gaariga shalay lagu qabtey Bosaso ayaa sheegay inaysan wax danbiya lahayn gaariga iyo saddex qof oo ay sheegeen inay yihiin darawalka iyo caawiyaasha gaariga kala shaqeynayay, waxayna ugu baaqeen Xukuumadda Puntland inay sii dayso.

Waxa uu kusoo beegmayaa baaqa kasoo yeeray magaalada Baladweyne xilli si weyn looga hadal hayo gudaha Puntland iyo dibadaba hawlgal ciidamada amaanka Bosaso shalay kusoo qabteen gaari nooca xamuulka oo damacsana inuu galiyo gudaha Bosaso qaraxyo waaweyn iyo dadkii la socday gaarigaas.

Daawo Odoyaasha baaqa u direy Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST