UK: 22 Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Manchester

Manchester-[Puntland Post] Inta la xaqiijiyey 22 qof ayaa ku dhintay 60 kalana wey ku dhaawacmeen qarax la rumaysan yahay in uu yahay mid agagixiso oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka UK.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ka socotay bandhig faneed ay gabanaysay Fanaanada caanka ah ee reer Mareykan Ariana Grande, markaas oo saacada UK ahayd 22:35 daqiiqo.

Waxaa la xiray dhamaan goobaha laga raaco tareenada, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dambi baarista.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in qaraxan ay ula macaamilayaan mid argagixiso, waxaana ay sheegtay in wal wal iyo naxdin ku abuuray dadka UK.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha UK, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.
Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan.

Ciidamada kala duwan ee Britain ayaa heegan la geliyay, waxaana la adkeeyay ammaanka goobo muhiim ah oo ku yaala dalkaas.

Waa qaraxii labaad ee ugu dhimasho badnaa oo ka dhaca dalkaas, sanadkii 2005 ayay aheyd markii qarax dad badan ku dhinteen uu ka dhacay magaalada London.

Aftermath of Manchester Arena explosionManchester explosion

PETER BYRNEManchester explosionAftermath of Manchester Arena explosionAftermath of Manchester Arena explosionAftermath of Manchester Arena explosion

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST