Al-Minhaaj oo Gudi Cusub u Magacawday Tartanka Bisha Ramadan

Bosaso-[Puntland Post] Mu,asasada Al-Minhaaj oo Bisha Ramadan ka qabta Gobalada Puntland Tartan Quraanka Karimka ah  ayaa is badal ku sameysay Gudigii hore u waday Tartanka Quraanka kariimka ah iyodoona xubo cusub looma gacabay.

Isbadalkan lagu sameyey Gudigii hor Ee waday Tartanka Quraanka kariim ka ah ayaa yimid kadib markii ay Mu,asasadu ay sameysay la tashiyo ku Aadan sida loo dar dar galin lahaa Tartanka maadama Gobalada Puntland oo dhan laga qabto Taasina ay sababtay in Gud cusub loo magacabo  si ay hawshu u fududato.

Gudigan ayaa yeelan doona Gudiyo hoosad Heer gobal ah,Heer Degmo,iyo Garsoorayaal Heer Puntland ah waxana tartankani dhamaan ka dhici doona Gobalada Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka Mu,asasada Al -Minhaaj Ciise Siciid Max,e d oo ugu horan Goobta ka hadlay ayaa ka waramay Xubnaha Cuusb Ee lagu lagu badalay Gidigii daa dihin jirtay Tartanka Qur, aanka kariimka ah.

Gudoomiye,Sheekh,Axmed Yuusuf Daad

Xubin,Sheekh Axmed Faarax warsame,

Xubin,Sheekh Maxamuud Axmed Maxamed,

Xubin ,Sheekh ,Yaasiin Cabdulaahi Cali.

Xog-han,Dr-Cabdiraxman Xasan Ibraahim.

Gudoomiyah gudiga Sheekh Axmed Yuusuf Daad ayaa ka waram wakhtiyada kala duwan Ee uu tartanku dhici doono isagoona sida oo kale  balan Qaaday in ay sii xoojin doonan hawshan loo igmaday waxana uu bulshada Kheyrka jece ka cod saday in ay la shaqeeyan.

‘’Tartanka Qur,aanku waxa uu dhici doona Bisha Ramadan 1,ilaa 10.keeda 15 bishan wax Gudiga loo gudbin doona Ardayda kaalmaha Hore galya 20,Bisha waxa Garowe ka furmi doona tartankii ugu danbeyey oo Degmoyinka oo dhan ay iskugu imanayaan.21,Bisha Ramadan ayuu si rasmi ah u furmidoona mudo Yarna waa uu socon doona sidaas wax Yiri Gudoomiyaha  gudiga Sheekh Axmed Yuusuf Daad.

Sheekh Cismaan Xaaji Dirir oo kamid ah xubnihii hore ayaa sheegay in ay la shaqan Doonan xubanahan Cusub islamarkan ay markasta garab tagan yihiin.

Sheekh Axmed Dheeli ayaa dhnkiisa ugu Baaqay qaybaha kala duwan Ee ka qab qadanaya Tartanka in ay si wangsn ugu qab qatan

Tartanka Qur,aanka kariimka ah oo ay soo qaban qabisay Mu,asasada Al-Minhaaj  ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo Gobalada Puntland 1,Bisha Ramadaan.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,,BOOSASO.