Dufacaddii 3-aad oo ka qalin jabisay machadka Sooyaal ee magaalada Bosaso

Machadka sooyaal ee xaruntiisa magaalada Bosaso ayaa waxaa ka qalin jabiyay dufcadii sedexaad kuwaasi oo bartay arday oo bartay maadooyinka kala ah luqadaha, Ingiriiska Caafimaadka iyo Saxaafada.

Tirada ardayda ee ka qalin jabisay machadka ayaa garaysa 185, waxayna isugu jireen gabdho iyo wiilal

Munaasabadda qalon jabinta ardayda oo ka dhacday hoolka weyn ee jaamacada Bosaso ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka sare ee machadka, maamulka jaamacada Bosaso, wakiilo ka socday machaahida ku yaala magaalada, agaasinka wasaarada warfaafinta ee gobolka Bari, isimo, ganacsato iyo waalidiintii .

Maamulaha guud ee machadka Sooyaal Ustaad Maxamuud Maxamed Cismaan ayaa sheegay in mudadii ay ardayda waxbarashadooda ku jireen ay helayeen ardayda tababaro iyo talooyin joogta ah oo ay ka helayeen macalimiintii gacanta ku haysay in khabiiro ku xeel dheer madaoyinka ay barteen.

Gudoomiyaha Jaamacada Bosaso Proff. Cabdiwali Cabdiraxmaan Gayre ayaa ardayda kula dar-daarmay in ay aqoontii ay barteen ay kula noqdaan bulshadii ay ka yimaadeen waxaan uu aradyada u balanqaaday in jaamacada Bosaso markasta ay garab taagan tahay ayna ku soo biiri karaan jaamacada .

Xildhibaan Axmed oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee dagmada Bosaso oo hadal ka jeediyay xafladd ayaa sheegay in ardayda jiilkan joogta ay ka fursad fiican yihiin jiilashii hore ee uu isagu ka mid ahaa waxaana uu nasiib daro uu ku tilmaamay wax laga xumaadana ay tahay in ardaydii dalka wax u baratay muddana lagu soo tabcaayay dalka ay ka tahriibaan taas oo uu sheegay in ay uur ku taalo ku noqotay waalidiintii ku soo tacab iyo tiirbeelay.

Axmed Maxamed oo ku hadlaayay magaca iyo maamulka Visoin College ayaa sheegay in mchadka sooyaal iyo Collede-ka ay yihiin bah wadaag waxaan u madasha uu ka balan qaaday in machadka ay ku deeqi doonaan sanad waxbarashadeedka 2017- 2018 laba arday oo ay siin doonaan waxbarasho dalka dibadiisa ah.

Agaasimaha waaxda isgaarsiin iyo warfaafinta iyo hidaha iyo dhaqanka Maxamuud Warsame Fuube ayaa sheegay in maamulaha machadka Sooyaal mudane Maxamuud Maxamed Cismaan uu soo saaray ardayda tayo leh oo dalkooda anfacaya .

Machadka Sooyaal oo furnaa sanad dugsiyeedkii sedexaad tan iyo marki la asaasay machadka 2014kii bishii Septemper ayaa waxaa ka qalin jabiyay dufcaddii sedexaad oo gaaraysay 185 arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho waxaana horayna macadka uga qalin jabiyay labo dufcadood oo taasi oo wadarta guud ee ardayda machadka sooyaal ka qalin jabisay ka dhigaysa 439 arday.

Gaba gabadii waxaa halkaasi shahaadooninkii ay mutaysteen lagu gudoonsiiyay ardaydiika qalin jabisay machadka waxaana gudoonsiiyay maamulka machadka iyo mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay xaflada.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,,BOOSASO