Xoghayaha Dowlada hoose Garowe oo ka jawaabay eedeyn loo soo jeediyay

Xoghayaha Dowlada hoose Garowe Cabdiqafar Cabdiraxmaan ayaa ka jawaabay Eedeyn ka dhan ah oo 15 May 2017 lagu baahiyay baraha bulshada taas oo ku saabsanayd inuu fal kufsi ah u geystay Gabadh ka timid magaal.

Xoghaye Cabdiqafar Cabdiraxmaan ayaa ku tilmaamay arrintan mid been abuur ah oo meel ka dhac ku ah sharaftiisa iyo dhaqanka Islaamka, wuxuuna sheegay inuu sharciga la tiigsan doono dadka ku lug leh faafinta warka been abuurka.

Masuulkan ka tirsan Dowlada hoose ee Garowe oo la weydiiyay jiritaanka khilaaf u dhaxeeya isaga iyo cid gaar ah wuxuuna sheegay inuu ku daba jiro raadka cidda ka dambeysa arrintan,Isagoona hoosta ka xariiqay jiritaanka hanjabaado uu badanaa shaqadiisa ku muteysto kuwaas oo uga yimaada dadka qaar.

Si rasmiya looma garanayo cidda baahisay qoraal eedeyn loogu soo jeediyay Xoghayaha Dowlada hoose Garowe oo shalay lagu faafiyay baraha bulshadu isticmaasho.

Daawo Wareysi Wariye Abshir Dhiirane la yeeshay Xoghaye Cabdiqafaar.

Garowe
PUNTLAND POST