Qiimaha Kalluunka Suuqyada Boosaso oo hoos u Dhac ku Yimid

Boosaso[Puntland Post]Isbadal balaaran ayaa ku yimi Suuqyada Kalluunka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ka dib markii uu Roob ka da’ay gobolada Puntland.

Qiimaha Kalluunka ayaa markii hore xabadii ay ahayd 300 oo Kun Shillin Soomaali ah, balse hadda waxay maraysaa 200 oo Kun Oo Shilling, arrintaas oo ay Suuqlayda Kalluunka Boosaaso sheegen inay tahay wax aad loogu farxo.

Ganacsatada Kalluunka ayaa sharaxaad ka bixiyay geedi socodka shaqo ee Kalluunka Boosaaso iyo waxyabaha ay tabayaan.

Dhinac kale kaluumaysata ayaa cabasho xoogan ka muujiyey marakiib iyo Doonyo Jiriif ah oo ku jira Xeebaha Puntland waxayna Maamulka Puntland ugu Baqeen in ay wax ka qabtan Arintasi.

Magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa aad looga isticmaala Kalluunka, waxaana tan iyo markii ay Abaartu bilaabatay sare u kacay Isticmaalka Kalluunka.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,

XAFIISKA BOOSASO