Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo 11 Eedaysane Xoriyadoodii dib ugu celisay

Bosaso-[Puntland Post] Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland gaar ahaan maxkamada shanta gobol Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa maanta dib Xoriyadoodii ugu soo celisay 11 maxbuus oo ku Eedaysanaa Ururka Alshabab ka dib mudo sadex bilood ah oo ay ku xirnayeen Saldhiga Bartamaha ee Boosaaso.

Siidantan Maxabiisata lagu Eedeyey Ururka Alshabab ayaa timid kadib markii ay Haya’daha baarista Ciidmada Booliska Puntland ay ku wayeen dinbiga lagu soo oogay.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee shanta Gobol Cabdi fatax Xaaji Aadan ayaa halkasi kaga dhawaqay in 11 Eedaysane ay wax danbi ah lahan dibna Xoriyadoodii loo siiyey.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee shanta Gobol Cabdi Fatax Xaaji Aadan ayaa Xeer ilaalainta maxkamada iyo Haya’daha danbi barista ugu baqay in ay soo gudbiyan dacwadaha ay gacanta ku hayan inta aan la gaarin bisha Ramadan.

Qaar kamid a 11 Eedaysan dib Xoriyadoodii u helay ayaa u mahad celiyey Maxakamd Ciidmada Qalabka sida ee Puntland waxayna sheegeen ay ku faraxsan yihiin in dib loo siiyo Xoriyadoodii.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND PSOT . BOOSASO